
Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala magaalooyinka dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, ayaa ilaa laba qarax la beegsaday Bar Koontarool oo ciidamada kuffaarta Kenya kaga suganyihiin magaalada Mandheera.
Howlgalkan qorsheysan ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana inta la hubiyay ku dhintay ilaa 2 sarkaal oo dowladda saliibiyadda Kenya u qaabilsanaa miina-baarka, waxaanu howlgalkan qayb ka yahay weeraro qorsheysan oo maalmihii lasoo dhaafay mujaahidiintu ka wadeen gobolka Mandheera, kuwaas oo lagu beegsanayo saliibiyiinta Kenya ee ixtilaalka ku haysata dhulka NFD ee muslimiintu leeyihiin.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmada Waajid ee wilaayada Bakool howlgal qarax ah kula beegsadeen ciidamo ka tirsan kuffaarta xabashida Itoobiya, waxaana halkaas ku dhintay askari Itoobiyaan ah.