
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, waxay weerar culus oo kamiin ah u dhigeen maleeshiyo murtadiin ah oo marayay duleedka deegaanka Yasooman, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyada Riddada.
Weerarka ayaa beegsaday maleeshiyo murtadiin ah oo lug ku socday, kuwaas oo dhaqdhaqaaqyo ka waday duleedka deegaanka Yasooman, waxaana Allaah fadligiis weerarka uu dhaliyay in goobta dagaalka lagu dilo ilaa saddex askari oo murtadiin ah.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerarkan dhabbagalka ah kusoo qabteen askari murtad ah oo ka mid ah maleeshiyada Riddada ee weerarka kammiinka ah lagu beegsaday, waxayna sidoo kale ciidamada mujaahidiintu soo qaniimeysteen qori iyo boosh ay ka carareen maleeshiyada murtadiinta ee dagaalka lagu jabiyay.