Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ku beegsadeen ciidamo ka tirsan kuffaarta xabashida Itoobiya, kuwaas oo iyagoo lug ah kusii jeeday dhanka Airport-ka degmada Waajid ee wilaayada Bakool.
Howlgalka qaraxa ah oo Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku dhaawacmay ilaa siddeed askari oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo laba ka mid ah la xaqiijiyay in dhaawacoodu yahay mid garaab ah.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay sidan oo kale mujaahidiintu qarax ula beegsadeen bar Control oo maleeshiyaadka Riddada ay ku leeyihiin xaafadda Dhista ee ka tirsan tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari oo murtadiin ah, halka laba kalena lagu dhaawacay.