Xiisad cusub ayaa ka aloosan xuduudda u dhaxayso dalalka Itoobiya iyo Eritrea, kaddib markii muuqaal cusub oo la helay uu muujiyey ciidamo fara badan oo labada dal ka kala socda oo isku uruursanaya degaanno istaraatiiji ah oo ku yaala xadka dalalkaas.
Muuqaallada ayaa wuxay muujinayaa kolonyo gaadiid ciidan ah iyo askar si buuxda u hubaysan, taas oo cabsi gelisay dadka deegaanka kuna beertay walaac laga qabo in dagaal hor leh uu qarxo.
Wararka ay qorayaan qar ka mid ah warbaahinta dalka itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Eritrea ay si weyn u xoojisay joogitaankeeda milatari ee meelaha u dhow magaalooyinka Bure iyo Zalambessa, ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda iyaguna si xooggan usoo buuxdhaafiyay gudaha gobolka Tigray iyo dhanka xadka gobolka cafarta.
Inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo labada dhinac kasoo baxay, haddana falanqeeyayaasha arrimaha labada dal ayaa qaar ka mid ah warbaahinta usheegay in xiisaddan ay tahay mid si dag dag ah loo filan karo inay dhaliso dagaal culus oo qarxa.
Heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii Tigray sannadkii 2022-kii ayaa hadda u muuqda mid wiiqmaya, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu sii xumaanayo. Itoobiya ayaa si xooggan u raadinaysa marin badeed rasmi ah, waxaana ay heshiis la gashay maamulka Riddada Somaliland, waana arrin dowlada Eritrea u aragto mid khatar ku ah danaha badeedkeeda iyo amniga qarankeeda.
Waxaa laga digayaa in isu-ururinta ciidamadu aysan ku ekaan oo keliya muuqaallo cadaadis ah, balse ay u gudbi karto dagaal dhab ah haddii aan si degdeg ah loo xallin.