Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Saraakiil Ciidan Iyo Khubaro Nukliyeer Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Tehran.
  • Allposts
  • Warar

Saraakiil Ciidan Iyo Khubaro Nukliyeer Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Tehran.

June 13, 2025

Waxaa aad isu soo taraya wararka la xiriira duullaan ballaaran oo ciidamada maamulka Yahuudda ay ku qaadeen gudaha Iiraan, kaasi oo lagu laayay saaraakiishii ugu sareysay ciidamada shiicada ee Iiraan iyo sidoo kale khubaro dhanka Nukliyeerka u qaabilsanaa dowladdaasi.

Weerarada oo dabcan isugu jiray mid cir iyo mid sirdoon ayay ciidanka maamulka Bin-yamin Netanyahu ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen hoggaanka ugu sarreeya ciidanka dowladda shiicada Iiraan oo kutaal magaalada Tehran ee caasimadda waddankaasi iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Afhayeen u hadlay militariga Yahuudda oo lagu magacaabo, Iifi Dafriin ayaa shaaciyay in duqaymahaasi ku beegsadeen in ka badan 100 bartilmaameed oo Iran ah, isagoo intaa sii raaciyay in 200 oo diyaaradood oo nooca kuwa dagaalka ah oo ay lahaayeen Yahuudda ay ka qeyb qaateen weerarka.

Duqaymaha maamulka sahaayinada Yahuuddu ay ka fuliyeen Tehraan waxay beegsadeen dhismeyaal kuyaal xaafado ka tirsan Tehraan oo ay degganyihiin saraakiisha ugu sarreysa ciidanka Iiraan, waxaana weerarkaasi dhanka cirka ah dhinac socday weerar kale oo ay fuliyeen xubnaha sirdoonka Yahuudda ee Muusaadka.

Weerarada oo Ra’iisul wasaaraha maamulka gumeystaha ee Netanyahu uu ka hadlay wuxuu sheegay inay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay in lagu burburiyo barnaamijka Nukliyerka ee dalka Iiraan, warbaahinta Iiraan waxay xaqiijisay in weerarada Yahuuddu gallaafteen nolasha taliyaha ugu sarreeyay ciidamada qalabka sida ee shiicada Iiraan, Maxamad Baqeri, taliyaha guud ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ninka lagu magacaabi jiray Xusein Salaami, taliyaha xarunta difaaca dhulka ee ciidanka cirka Iiraan, Ghulam Cali Rashiid iyo ilaa saddex xubnood oo kale oo ka mid ah khubarada sare ee Nukliyeerka Iiraan, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Ridaa Dul-faqaari, Mahdi Dhahranji iyo Fariidoon Cabaasi.

Sidoo kale xubno muhiim u ahaa xukuumadda Tehran ayaa ku jira xaalad hubanti la’aan ah, waxaana ka mid ah Cali Shamkhani oo ah la taliyaha sare ee Cali Khumeyni, hoggaamiyaha Iiraan, kaas oo wararkii ugu horreeyay ay xaqiijiyeen in isaga oo dhaawac daran qaba la dhigay cisbtaal kuyaal Tehran, wallow warar dambe oo soo baxay ay sheegeen in la dilay oo uu weerarka ku baxay, waana shakhsi muhiim u ah hoggaamiyaha Iiraan iyo xukuumadda uu fadhigeedu yahay Tehran.

Xarumaha duqaymaha Yahuuddu beegsadeen waxaa ka mid ah xarunta lagu magacaabo Nadhanza ee Nukliyeerka Iiraan, hay’adda Tamarta Nukliyeerka Iraan ayaa sheegtay in weerarka xarunta lagu beegsaday uu sababay burbur soo gaaray qaybaha kala duwan ee xaruntaasi.

Marka laga soo tago weerarada dhanka cirka ah ee ay Yahuuddu ka gaysteen gudaha Iiraan, waxaa sidoo kale jira dilal qarsoodi ah oo ciidanka sirdoonka Yahuudda ee Muusaadka ka gaysteen bartamaha Iiraan sida uu xaqiijiyay channel-ka 12-aad ee gumeystaha oo soo xiganaya mas’uuliyiin.

Wargayska Haaretz ee ay Yahuuddu leedahay oo dhankiisa soo xiganeya ilo amni ayaa sheegay in Hay’adda sirdoonka gumeystaha Yahuudda ee Mossad ay Iran ka sameysatay saldhig ay ka hagaan diyaaradaha drone-ka ah ee loo adeegsado qaraxyada kuwaas oo la soo galiyay waddankaasi ka hor inta uusan billaaban weerarka.

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in dowladda Iiraan maanta la kulantay fashil wayn oo sirdoon iyo mid milatari, wallow  la sheegay inay Yahuuddu ku fashilantay inay gaarto xarunta  uu ka socdo horumarinta nukliyeerka Iran ee kutaal buuraleyda koonfurta caasimadda Tehran.

Iiraan ayaa diyaarado boqol ah u dirtay dhanka deegaannada Yahuuddu ay xoogga ku haysato, balse maamulka gumeystaha ayaa sheegay inay kusoo rideen hawada Ciraaq, Iiraan waxay ku goodisay inay bixin doonto jawaab celin, hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan ayaa si deg deg ah u magacaabay xilalka taliyeyaasha la dilay.

Duullaanka Yahuuddu ka billowday Iiraan ayaa durba sababay sicir dhanka shidaalka ah, Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay in ka badan 12% ka dib weerarkii Yahuudda, diyaaradaha rayidka ayaa dhanka kale ka weecday goobaha ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada millatari.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 17-12-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -17-12-1446 Hijri.

Related Stories

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.

April 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri

April 27, 2026
Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.

April 27, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada