Scott Perry oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka daaquudka ee dowladda saliibiyadda Maraykanka, ayaa soo bandhigay sharci cusub oo soo jeedinaya in la aqoonsado maamulka ashahaada la dirirka ee fadhigiisu yahay Hargaysa.
Xildhibaankan ka tirsan Congaresska Maraykanka, lagana soo doorto gobolka Pennsylvania, ayaa sharciga cusub ee uu soo bandhigay maamulka Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Cirro ka dhigaya mid madaxbanaan, deegaannada uu ka arrimayana ka dhigaya dal gooni ah.
Sidoo kale sharcigan ayaa soo jeedinaya in siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay la jaanqaaddo maamulka ashahaada la dirirka Somaliland oo uu ku tilmaamayo xaliif cusub oo xasilloon, muhiim na u ah istiraatijiyada Maraykanka.
Perry ayaa yiri “In ka badan 30 sano, Somaliland waxay muujisay hannaan maamul, xasillooni, iyo iskaashi ay tahay in Maraykanku taageero. cadowgeenna dibadda wuxuu ku fidayaa Afrika iyo meelo kale oo dunida ah, waxaana dan qaran noo ah inaan xoojino xiriirka aan la leenahay saaxiibo lagu kalsoonaan karo oo gacan ka geysta amnigeenna– wakhti kasta iyo meel kasta.”
Tan iyo markii uu xafiiska ugu sarreeya ee looga arrimiyo dalka Maraykanka dib ugu soo laabtay Trump ayay sii xoogeysteen qorsheyaal aad isu soo tarayay oo ay wadeen siyaasiyiin iyo xubno ku dhow xafiiska Trump oo lagu doonayo in lagu aqoonsado maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa, ololehan ayaana socday labadii sano ee lasoo dhaafay.