Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Sh/dhexe ayaa galabta howlgal qarax ah la beegsaday gaari uu la socday murtad Odawaa Yuusuf Raagge oo ah taliyaha maleeshiyaadka Riddada, kaasi oo marayey duleedka degmada Cadalle ee wilaayada Sh/dhexe.
Murtadka ayaa ka badbaaday qaraxa lagula beegsaday duleedka Cadale, balse waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray ilaaladiisa, waxaana sidoo kale waxyeello ay soo gaartay gaariga uu murtadkan saarnaa ee uu qaraxu beegsaday.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah weerarada millatari ee ay mujaahidiintu ku beegsanayaan madaxda iyo maleeshiyaadka Riddada, murtad Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ayaana dhowr jeer oo hore ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.