Wararka ka imaanaya dalka Kenya, ayaa ku waramaya in ugu yaraan hal qof uu dhintay, kaddib markii dibadbaxyo xooggan oo rabshado wata maanta ka dhaceen caasimadda Nairobi.
Dibadbaxyada ayaa yamid kadib caro dadweyne oo ka dhalatay dil ciidamada Booliiska Kenya u gaysteen qoraa iyo macallin caanka ah Nairobi, kaasi oo ay soo xireen ciidamada ammaanka, kaddibna lasoo wariyay in lagu dhex dilay gudaha xabsiga.
Dadweyne aad u caraysan ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan magaalada Nairobi, waxaana bartamaha magaalada ka dhacay isku soo baxyo rabshado wata, kuwaas oo sababay geerida hal qof, halka la gubay mootooyin ay isku dhaceen dadweynaha.
Wariye ka tirsan wakaaladda warararka ee Reuters ayaa sheegay in uu arkay maydka qofka ku dhintay isku soo baxyadii maanta ka dhacay caasimadda Kenya ee Nairobi, waxaana dadka mudaaharaadka dhigayay kusoo baxay rag wata mootooyin, kuwaas oo isku dayay inay hakiyaan.
Dibadbaxayaasha ayaa wadeyaasha mootooyinka la xiriiriyay ciidanka Kenya, waxayna ku guuleysteen inay dab qabadsiiyaan mootooyinka, sida laga arki karo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada.
Ciidamada Booliska ayaa isku dayay inay joojiyaan dibadbaxayaasha, wallow ay taasi ku guulderreysteen, xarumo ganacsi oo caasimadda kuyaal ayaana xirnaa sida lasoo wariyay, waxaana ka mid ah suuqa ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.