Kulan dhexmay taliyaha ciidamada dowladda saliibiyadda Mareykanka ee qaaradda Africa iyo Abiy Axmed oo ah ra’iisul wasaaraha dowladda xabashida Itoobiya ayaa walaac xooggan looga muujiyay awoodda sii xoogeysanaysa ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Kulankan oo ka dhacay xarunta safaarada Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa wada qaatay General Micheal Langley oo ah taliyaha taliska Mareykanka ee Africom iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray walaaca ay ka qabaan Awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee kusii faafaysa bariga Africa iyo khatarta Itoobiya ay arrintaasi ka muujisay.
War kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Itoobiya ayaa lagu yiri sidaan: “”General Micheal Langley oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa booqday Itoobiya, wuxuuna la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Wada hadalkooda ayaa diiradda lagu saaray ka hortagga khataraha Al-Shabaab ee Geeska Afrika.” Ayaa lagu yiri qoraalkasafaaradda oo lasoo dhigay barta X.
Sidoo kale jeneraalkan Ameerikaanka ah ayaa Addis-ababa kula kulmay saraakiisha ugu sarreysay ciidamada dalka Itoobiya oo uu ka mid yahay General Birhanu Jula oo ah taliyaha guud ee ciidanka xabashida, wuxuuna kala hadlay xaaladda amni ee gobolka geeska Africa iyo halista Shabaabul Mujaahidiin.
Taliyaha taliska Mareykanka ee Africom ayaa maalmihii lasoo dhaafay safaro ku kala bixinayey qaar ka mid ah dalalka dhaca bariga Africa, isagoona madaxda dalalkaasi kala hadlayey cabsida uu Mareykanka ka qabo in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku faafto dalalkaasi.
Micheal Langley ayaa dhowr cisho ka hor booqasho ku yimid Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, iyo Berbera, isagoona kulamo la qaatay madaxda murtadiinta.