Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saaka dagaal culus ku qaaday xero ciidan oo kutaal duleedka deegaanka Ceel-qooxle ee bariga wilaayada islaamiga Hiiraan, halkaas oo ay degganaayeen maleeshiyada Riddada.
Ciidamada mujaahidiinta waxay Allaah fadligiis dagaal kaddib la wareegeen gacan ku haynta xerada maleeshiyaadka murtadiinta ay ku lahaayeen duleedka deegaanka Ceelqooxle ee hoostaga degmada Moqokori, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray Riddada.
Weerarkan saaka ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen saldhigga ciidan ee kuyaal duleedka degmada Moqokori, ayaa qayb ka ah weeraro abaabulan oo mujaahidiintu ku baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka murtadiinta ee ku harsan bariga wilaayada Hiiraan, waxayna mujaahidiintu horay u xoreeyeen deegaanno muhiim ah oo dhaca bariga wilaayadaasi.