Dowladda saliibiyadda Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu biirtay dagaalka u dhaxeeya dowladda shiicada Iiraan iyo maamulka Yahuudda, waxayna markii ugu horreysay xalay weerartay 3 xarumo Nukliyeer ah oo ay leedahay Iiraan.
Donald Trump oo ah madaxweynaha saliibiyiinta Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradihiisa beegsadeen xarumaha Nukiyeerka Iiraan ee kala ah, Fordow, Isfahan iyo Natanz, wuxuuna intaas ku daray in weerarka uu noqday mid aad loogu guuleystay sida uu hadalka u dhigay.
Balse warar kale oo soo baxay ayaa xaqiijinaya in weerarka Maraykanka uusan gaarin hadafkiisa, waxayna sheegeen inaysan jirin shucaac ka dhashay duqaynta Maraykanka oo aan ahayn gantaallada goobta lagu garaacay, taasi oo ka dhigaysa weerarka Washington mid fashil ah.
Sawirro uu qaaday dayax_gacmeedka oo la helay ayaa dhanka kale muujinaya in Iiraan maalmo ka hor ay hubkeeda Nukliyeeka kala baxday xarunta Fordow oo ah tan ugu wayn ee Maraykanku sheegay in uu duqaymaha xooggooda ku beegsaday, lana tuhmayay inay yaallaan hubka Nukliyeerka Iiraan ee uu daalku ka taagan yahay.
Dhankiisa ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuudda ninka lagu magacaabo Benyamin Netanyahu ayaa si diirran usoo dhaweeyay weerarka Maraykanka, isaga oo dhanka kalena u mahad celiyay Trump, wuxuuna intaa ku daray in marka hore awoodda timaado oo uu ula jeedo weerarka ka dhanka ah Nukliyeerka Iiraan kadibna ay nabad ku xigto sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, dowladda shiicada Iiraan ayaa saaka qaadday weerar culus oo ay u adeegsatay gantaalladeeda Riddada dheer, kuwaas oo garaacay magaalooyin dhowr ah oo xoog lagu dajiyay dadka sahaayinada ah, waxaana goobahan la beegsaday ka mid ah magaalada Tal-abiib ee xarunta u ah maamulka sahaayinada iyo Xeyfa iyo magaalooyin kale oo xoog lagu dajiyay Sahaayinada.
Gantaallada Iiraan ayaa gaystay burbur aad u ballaaran sida laga dheehan karo sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, waxayna warbaahinta gumeystuhu sheegtay in weerarkii ugu dambeeyay ee ay Iiraan saaka qaaday ku dhaawacmeen ugu yaraan 27 qof oo sahaayino ah, kuwaas oo laba ka mid ah ay xaaladdoodu tahay mid halis ah, cisbitaalka lagu magacaabo Ikhilof oo kuyaal Tal-abiib ayaa la xaqiijiyay in kaligiis uu qaabilay 21 ka mid ah dadka ku dhaawacmay gantaallada Iiraan.
Sidoo kale ku dhowaad 20 xubnood oo sahaayino ah ayaa la xaqiijiyay inay weli hoos jiraan burburka dhismo si toos ah uu u beegsaday mid ka mid ah gantaallada ay saaka soo tuurtay Iiraan, kaasi oo si gaar ah ugu dhacay degmada Ness Ziona oo dhanka koonfur ka xigta Tal-abiib.
Yahuuddu waxay dhankeeda weerarka gantaallada kaddib qaaday weerar dhanka cirka ah oo ay ka fulisay galbeedka dalka Iiraan, bayaan uu soo saaray millatariga gumeystaha ayaa lagu sheegay in ciidamadooda cirka ay billaabeen duullaanka ay ku beegsanayaan goobo milateri oo kuyaal magaalada Tabriiz ee dhacda waqooyi-galbeed ee Iiraan.
Goobaha ay beegsadeen ayuu taliska ciidanka Yahuudda sheegay inay ku jiraan gantaallada Riddada dheer ee Iiraan ee diyaarka u ah inay beegsadaan deegaannada xoogga lagu dajiyay dadka Yahuuda ah, maadaama weerarku dhacay goordhow lama bixin faahfaahin dheeraad ah.