Murtad Axmed Madoobe ayaa gelinkii dambe ee maanta ka degay magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka ashahaada la dirirka Puntland, halkaas oo uu kulamo kual leeyahay dhiggiisa murtad Siciid Deni.
Deni ayaa garoonka magaalada Garoowe soo dhaweyn ugu sameeyay Axmed Madoobe madaxa maamulka Riddada Jubbaland, war kooban oo kasoo baxay maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe uu booqasho ku yimid Garoowe.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada dhinac ka wada hadli doonaan sidii ay u dhisi lahaayeen isbahaysi adag oo ka dhan ah murtad Xassan Gurguurte oo ah madaxa kooxda Riddada, kaasi oo ay siyaasaddiisa aad u diiddanyihiin Deni iyo Axmed Madoobe.
Xiriirka dib usoo laabtay ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka dhigan in markale xassan Gurguurte wajahayo mucaaradad xooggan, Gurguurte ayaa fursad u arkayay khilaaf muddo saddex sannadood ah ka dhex taagnaa Deni iyo dhiggiisa Madoobe.