Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saaka oo Isniin ah weerar culus oo cagmarin ah ku qaaday xeryo maleeshiyada murtadiinta ay kaga sugnaayeen deegaanka Barujeed ee hoostaga degmada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weerarka inta uu socday ay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu kamiin culus u dhigeen kolonyo murtadiin ah oo gurmad ahaan uga soo baxay magaalada Baydhaba, dib ayayna u laabteen iyagoo khasaare dhabarka ku sita.
Khasaaraha horudhaca ah ee dhimashada murtadiinta ee lagu dilay weerarka tooska ah ee xeryaha iyo kammiinka ka dhacay duleedka Baydhaba waa sideed murtad, waxaa sidoo kale jira maxaabiis murtadiin ah oo gacanta lagu dhigay, ghaniimana way jirtaa.
La soco wixii soo kordha.