Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga Yasooman ee dhacda bariga wilaayadda Hiiraan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada.
Weerarkan waxay mujaahidiintu ku dileen murtad lagu magacaabi jiray Kadiye Xasan Faarax, waxayna ciidamada mujaahidiintu la wareegeen deegaannada kala ah Abdhaare, Cusable-Hute iyo Dirow-waa oo dhammaantooda hoos-taga deegaanka Yasooman ee bariga wilaayada Hiiraan.
Dhanka kale, howlgal qarax ah oo ciidanka mujaahidiinta ka fuliyeen gudaha magaalada Beledweyne ee isla Hiiraan, ayaa lala beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 3 murtad oo mid ka mid ah lagu magacaabo Maxamed Raagge oo ah sarkaal murtad ah.