Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah oo ay ka fuliyeen xaafadda Ciise Cabdi ee ka tirsan degmada Dayniile ee Muqdisho ku beegsadeen fariisin ciidan oo ay murtadiinta halkaasi kaga sugnaayeen.
Qaraxa ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana murtadiinta kasoo gaaray khasaare kala duwan, waxaana la xaqiijiyay in hal askari oo murtad ah uu ku dhaawacmay howlgalka.
Isla degmada Dayniile, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay qarax kale oo culus ku beegsadeen Bar Control oo maleeshiyada Riddada ay kaga suganyihiin xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay howlgalkaasi qaraxa ah, balse wuxuu qayb ka yahay howlgallada ciidan ee mujaahidiintu ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo beegsanaya maleeshiyada murtadiinta ee kufriga caalamiga ah ku garab taagan dagaalka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa.