Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo tiradoodu tahay 154 qof ayaa lagu soo warramayaa in doonta ay saarnaayeen ay kula degtay meel u dhow xeebaha dalka Yemen, sida ay shaacisay hay’adda socdaalka ee urur-gaalleedka la baxay Qaramada Midoobay.
Doontan oo subaxnimadii Axadda ku rogmatay gacanka Cadmeed ee dhinaca gobolka Abyan ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 68 qof oo Itoobiyaan ah, halka 74 ruux oo kalena weli aan la helin, kuwaas oo loo badinayo in ay dhinteen.
Cabdusataar Isweef oo ah madaxa hey’adda socdaalka ee hoos-tagta urur-gaalleedka Qaramada Midoobay ayaa warbaahinta u sheegay in meydadka 54 qof oo tahriibayaal ah ay ku soo caariyeen xeebta degmada Khanfar, halka 14 kalena meydkooda la helay goor dambe, kuwaas oo la dhigay qolka meydadka ee cisbitaalka Zinjibar ee xarunta gobolka Abyan.
Ninkan ayaa dhanka kale xaqiijiyay in 12 qof oo kaliya ay ka badbaadeen shilkaasi, inta kale ee la la’yahayna loo badinayo in ay geeriyoodeen. Iyadoo geesta kale war ka soo baxay maamulka gobolka Abyan lagu shaaciyay in la helay meydad fara badan oo daadsan xeebta dheer ee ku teedsan aaggaasi.
Shilkan ayaa ku soo aadaya iyadoo boqollaal qof oo u badan tahriibayaal Itoobiyaan ah ay bilihii lasoo dhaafay ku le’deen bad-weynta kadib markii doonyo ay saarnaayeen ay ku deggeen biyaha u dhow xeebaha dalalka Yemen iyo Jabuuti.