Wararka ka imanaya gudaha dalka Itoobiya ayaa sheegaya weerar ay fuliyeen maleeshiyaadka Fano lagu beegsaday garoonka diyaaradaha ee xarunta ismaamulka Amxaarada ee Bahar Dar.
Dagaalkan ayaa ahaa mid aad u culus waxaana sida la sheegay uu bilawday gelinkii dambe ee Talaadada, kaas oo in muddo ah ka socday inta u dhexaysa duleedka galbeed ee magaalada ilaa garoonka diyaaradaha ee Belay Zeleke International Airport.
Muddadii hawl-galkaasi socday ayaa gebi ahaanba waxaa hakad galay duullimaadyadii diyaaradaha ee garoonka Bahar Dar. Waxaanay bartilmaameedka weeraradani u badnaayeen xeryo ciidan oo ku yaal nawaaxiga magaalada sida ay ku warrantay warbaahinta Ethio News oo soo xiganaysa ilo ka tirsan dhinaca jabhadda Fano.
Sida ay soo tebisay warbaahinta Itoobiya, maleeshiyaadka Fano ayaa intii uu weerarkaasi socday tiro hoobiyeyaal ku garaacay labo xero oo ay deggenaayeen ciidanka Xabashida Itoobiya, ilaa haatanna lama shaacin khasaaraha dhabta ah ee labada dhinaca soo kala gaaray.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareereen xiisadaha colaadeed ee ka dhex aloosan gudaha Itoobiya, isla markaana maleeshiyaadka Fano ay dardar xooggan geliyeen hawl-gallada ka dhanka ah ciidanka Xabashida Itoobiya.