Shir u dhaxeeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxa kooxda Riddada Somalia murtad Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay xaruunta madaxtooyada ee Villa Somalia.
Is araggan ayaa ahaa midkii 4-aad oo ay yeeshaan siyaasiyiinta mucaaradka Riddada iyo murtad Xassan Gurguurte, si la mid ah kulamadii hore u dhacay ma jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay kulankan maanta dhacay.
Wararka qaar waxay sheegeen in la isku fahmi waayay qodobka ugu culus ee dooddu ka taaganayd bilooyinkii lasoo dhaafay, kaasoo xubnaha mucaaradku doonayaan in uu gebi ahaanba laalo murtad Gurguurte, waa wax ka beddelka waxay ugu yeeraan cutubka 4-aad ee dastuur gaaleedka u degsan kooxda oo uu horay uu wax uga beddelay Xassan Sheekh.
Labada dhinac ee kulmay ayaan wax war ah soo saarin, waxaana ay wararku sheegayaan in Xassan Gurguurte uu mucaaradka ka dalbaday is arag kale oo ay yeelan doonaan, kaasi oo noqon doona fadhigii 5-aad, lama oga waxa kasoo bixi doona kulankaas.
Shirka maanta mucaaradka iyo Gurguurte ku dhexmaray Villa Somalia waxaa xubnihii ka qayb galay ka mid ahaa murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan isugu xaadirin shirarkii kan ka horreeyay.
Dadka wax falanqeeya waxay kulamadan ku tilmaamayaan cagajiid Siyaasadeed iyo iska dabawareeg ay kooxda Gurguurte ku daalinayso siyaasiyiinta mucaaradka ah, kulamadan ayaa socdo muddo dhowr bilood ah, mana jiro wax natiijo ah oo kasoo baxay iyo heshiis laga gaaray khilaafka labada dhinac.