Dagaal culus oo u dhaxeeyay maleeshiyada kooxda Riddada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland ayaa saaka ka dhacay duleedka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxana dagaalka saaka dib u qarxay lasoo wariyay in looga itaal-roonaaday maleeshiyada Madoobe.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay difaacyo maleeshiyada Riddada Axmed Madoobe ka samaysteen meel u dhow degmada Beledxaawo oo loo yaqaan Tuulo Aamiin, wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarku ahaa mid ay qaadeen maleeshiyada kooxda Riddada Soomaaliya.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, maleeshiyada Axmed Madoobe ayaa dagaalka lagu jabiyay, waxayna ka tallaabeen xuduud beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, sida ay soo sheegeen ilo wareed deegaanka ah.
Muuqaallo ay iska soo duubeen maleeshiyada kooxda Riddada Gurguurte ayaa muujinayay difaacyada laga saaray maleeshiyada kale ee u janjeera dhanka maamulka Riddada Jubbaland, khasaare xooggan ayaa lasoo warinayaa in uu dhinacyadu soo kala gaaray.
Saraakiil iyo askar labada dhinac kala taabacsan ayaa la isla dhexmarayaa inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalka saaka ka dhacay duleedka degamda Baladxaawo ee gobolka Gedo, inkastoo aan xog sugan la helin.