Xilli uu shalay dhacay is araggii u dambeeyay ee ay yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxa kooxda Riddada kana hadleeen arrimaha la isku hayo, ayay markii ugu horraysay mucaaradku ka hadleen shirarka fashilka kusoo idlaaday ee ay la yeesheen Xassan Gurguurte.
Shir maanta siyaasiyiinta mucaaradka ah ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay kasoo saareen warsaxaafadeed, kaasi oo ay uga hadleen shirarkii ay la yeesheen Xassan Gurguurte ee fashilka kusoo idlaaday.
Waxay siyaasiyiinta mucaaradku sheegeen in shirkii mucaaradka iyo Xassan Gurguurte u dhaxeeyay uu fashilmay xalna aan laga gaarin khilaafka labada dhinac oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka oo la isku hayo.
Bayaanka mucaaradka ayaa lagu sheegay in shan kulan oo labada dhinac u dhaxeeyay ay ku dalbadeen in Gurguurte uu ka laabto wax ka beddelka uu ku sameeyay cutubka 4-aad ee ka mid ah qoddobada dastuur gaaleedka u degsan kooxda Riddada, balse uu ka biya diiday, sidaas na ku fashilmay oo wax heshiis ah aysan dhinacyadu u gaarin.
Kulamadan oo ahaa kuwa markii horeba ay ku baaqeen gaalada caalamka oo madaxa kooxda Riddada ku amray in uu la fariisto siyaasiyiinta mucaaradka ah, kana arrinsadaan khilaafka u dhaxeeya ayaa sidii la saadaalinayay kusoo dhamaaday, burburka shirarka labada dhinac ayaa kusoo beegmay markii uu Gurguurte tegay guri kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada, halkaas oo uu ku qaatay kaarka is diiwaangelinta doorasho gaaleedka waxay ugu yeeraan qof iyo cod oo ay si wayn u diiddanyihiin mucaaradka.