Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyada Ridada ku leeyihiin xaafadda Iidow Dhigaal ee kutaalla gudaha magaalada Baydhaba iyo fariisinka Riddadu ku leeyihiin Barujeed ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiinta saacadihii lasoo dhaafau weerar abaabulan ku ekeeyeen saldhig ciidanka xabashidaItoobiya kaga suganyihiin deegaanka Awdiinle ee hoostaga magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidamada mujaahidiintu waxay qarax culus la beegsadeen guri uu magaalada Beydhaba ka deganyahay taliyihii hore ee maleyshiyaadka NISA ee maamulka Riddada Koonfur-galbeed, waxaana jira burbur xooggan oo gaaray gurigaasi.
Waxay howlgalladan kusoo beegmayaan xilli habeen ka hor ciidamada mujaahidiintu ay weerar xooggan ku qaadeen fariisin ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee isla gobolka Baay.