Inta la hubiyay ugu yaraan 31 qof oo shacab ah ayaa dhintay, halka dhowr iyo toban kalena dhaawacmeen, kaddib markii maleeshiyada Fallaagada ah ee RSF ee Imaaraadku taageero duqeymo culus ka gaysteen magaalada Al-faashir iyo xero barakac oo lagu magacaabo Abuu Shuuk oo kutaal gobolka Daarfuur.
Warbaahinta maxalliga Sudan waxay sheegtay in weerarada maleeshiyada RSF ka gaysanayaan Al-faashir ay xoogeysteen maalmihii ugu dambeeyay, Lana helay muuqaallo muujinaya koox murtazaqo Colombian ah oo ka qayb qaadanaya xasuqa ka dhanka ah dadka rayidka, si ay magaalada ugu gacan geliyaan fallaagada Dacmu-sariic.
Qoraal kasoo baxay shabakad dhakhaatiir ah ayaa waxaa lagu yiri. “Weerar madaafiic ah oo xoogagga gurmadka deg degga ah ka gaysteen xerada Abuu Shuk ee waqooyiga Darfur, ayaa sababay dhimashada 31 qof, oo ay ku jiraan toddobo caruur ah iyo haweeney uur leh, iyo dhaawaca 13 kale,”.
Waxay intaas ku dareen in dadka rayidka ee dhaawacyada qaba loo fidiyay gargaar deg deg ah, waxayna sheegeen in xaaladda bani’aadannimo iyo tan caafimaad ee ka jirta deegaanka ay aad u liidato.