Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabbagal ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka degmada Xudur ee wilaayada Bakool, halkaas oo maleeshiyada murtadiinta ay dhimasho iyo dhaawac kaga noqdeen 7 askari.
Weerarka jidgalka ah ayay ciidanka mujaahidiintu si gaar ah ugu dhigeen maleeshiyo murtadiin ah oo loo abaabulay inay carqaladeeyaan deegaannada lagu maaamulo shareecada islaamka ee dhaca duleedka Xudur, waxaana weerarka lagu dilay ugu yaraan laba askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay shan kale.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay qarax la beegsadeen guri uu magaalada Beydhaba ee xarunta gobolka Baay ka degganyahay taliyihii hore ee maleyshiyaadka Riddada (NISA) ee maamulka ashahaada la dirirka Koonfur-galbeed, waxaana qaraxaasi uu burbur xooggan gaarsiiyay gurigaasi.