Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Gedo iyo gobolka Laamu waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen weeraro culus oo lagu beegsaday maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada kuffaarta Kenya ee ku kala sugan labadaasi gobol.
Weerarka koowaad oo isugu jiray dagaal toos ah iyo duqayn waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiintu ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta WFP ee kutaal degmada Garbahaarey, waxaana dagaalka tooska ah la isku adeegaday hubka nooacyadiisa kala duwan.
Weerarka labaad waxay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Kenya ee deegaanka Maangaay ee ka tirsan gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiintu leeyihiin balse ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in intii uu dagaalku socday uu dab culuska kacay qaybo ka mid ah xerada la weeraray, waana qayb ka mid ah weerarada mujaahidiinta ee lagu beegsanayo saliibiyiinta Kenya ee ku sugan NFD iyo Laamu ee ku hoos jira ixtilaalka xukuumadda kaafiradda Kenya.