Waxaa marba marka ka dambaysa si weyn isu soo taraaya qaylo-dhaanta kasoo yeeraysa kooxda riddada Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey markii Maraykanku joojiyey inta badan dhaqaallihii uu ku bixin jiray dalalka dibadaha, gaar ahaan qaaradda Afrika.
Mid ka mida wasiirrada kooxda Villa Somaliya oo aad u werwersan ayaa afka furtay, waxaanu sheegay in dhabarka loo jeediyey oo aanay jirin caawimo dambe uga imanaysa caalamka, isagoo shaaca ka qaaday in qof walba oo ka tirsan golaha wasiirrada kooxda riddada Soomaaliya lagu amray in uu raadsado wax uu cuno.
Murtad Xayir Maareeye oo ah Wasiirka beeraha ee kooxda Gurguurte ayaa isagoo ka walaacsan xaaladda lasoo deristay ka shanqariyay arrintan.
Sidoo kale wasiirka caafimaadka kooxda Villa Somaliya murtadka lagu magacaabo, Cali Xaaji Aadan oo isna ka dayriyey xaaladdan adag ee ay wajahayaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhibaatooyin adag ay ka dhaxleen dhimista dhaqaalihii uu Maraykanku siin jiray.
Waxa kale oo murtadkani ka sanqariyey in xarumo badan oo hoos-tagi jiray wasaaraddiisa albaabalada la isugu laabay tan iyo wixii ka dambeeyey markii laga jaray sandareeradii ay ka heli jireen dalalka shisheeye, gaar ahaan Maraykanka oo bixin jiray dhaqaalaha ugu badan.
Marka laga soo tago dowladda saliibiyadda ah ee Mareykanka, sidoo kale Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo dalal kale oo waaweyn ee reer-galbeed ah ayaa dhimaya miisaaniyadda dhaqaallihii ay siin jireen kooxda riddada Soomaaliya sida ay maalmo ka hor sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.