Khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawacyo iyo burbur ayaa ka dhashay weerar kooxda Xuuthiyiinta ee Yeman ka fuliyeen gudaha deegaannada ay xoogga ku haystaan Yahuudda.
Weerarka oo loo adeegsaday diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ee qarxa ayay Xuuthiyiintu ku beegsadeen hoolka garoonka diyaaradaha ee Ramon ee kuyaal magaalada Al-naqab ee dhacda koonfurta dhulalka uu gumeysiga ku haysto maamulka Yahuudda.
Ciidanka gumeystaha oo war kasoo saaray weerarkan dhacay ayaa sheegay in diyaaradda Drone-ka ah ee Xuuthiyiintu kasoo direen Yeman ay gudubtay dhammaan difaaca hawada ee maamulkaasi, ayna beegsatay hadaf rasmi ah, waxay tani muujisay tabar-darrida difaaca hawada maamulka gumeysiga.
Waxay xaqiijiyeen in weerarkaasi ku dhaawacmeen laba qof oo sahaayino ah, kuwaas oo dhaawacyadooda loola cararay magaalada Iilaat ee gumeysiga ku hoos jirta.