Kaddib sanado badan oo muran iyo hardan xaga biyaha oo ka dhashay uu socday, ugu danbeyn dowlada xabashida Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jartay biya xireenka weyn Al-Nahdah, taallaabo dadka Itoobiyaanka ah ay arkaan guul weyn ay xaqiijiyeen dhanka kalane ay ku atkaadeen loolaankii kala dhaxeeyay Masar iyo Sudaan.
Munaasabad oo ay goob joog ahaayeen intabadan hogaamiyaasha dowladaha bariga Afrika ayaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray biya xireenkaan, waxaana si rasmi ah udaahfuray ra’sul wasaaraha xukumada Addis Ababa Abiy Axmad.
Malaayin Itoobiyaan ah ayaa udabaaldagay dhacdadaan oo ay u arkaan mid taariikhi ah oo sanado dheer kadib ka saari doonta mugdigii ay la noolaayeen.
Haogaamiyaasha goob joog ahaa xafladaani ayaa waxaa kamid ah madaxwaynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Gele, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, Madaxweynaha Kooxda Ridada Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Barbados Mia Motley, Ra’iisul Wasaaraha Swatini Miso Dlamini, Guddoomiyaha Guddiga midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf iyo Madaxweyne kuxigeenka Temed. Xoghayaha guud iyo madaxa guddiga dhaqaalaha Afrika Claver Gatete iyo kuwa kale.
Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa si rasmi ah uga maqan xafladaani maadaama ay Al-Qaahira iyo Kharduum ay sheegeen in ay itoobiya leexsatay xaqa ay kaga lahaayeen biyaha wabiga niil ee laga dhisay Al-Nahdah.