Wararka ka imaanaya dhulalka Falasdiin ee gummeysiga ku jira ayaa sheegaya in weerar halyaynimo lagu qaaday dad yahuud sahyuuniyad ah xilli ay ku sugnaayeen magaalada alqudus.
Kaligii duule musiim ah ayaa weerar toorrayn ah ku qaaday sahaayinada xoogga lagu dejiyay magaalada alqudus, ugu yaraan 2 sahyuuni ayaa si xun ugu dhaawacmay weerarkan oo ay bogaadiyeen xoogaga muqaawamada Falasdiin ee ka halgamaya magaalada qaza.
saraakiisha booliska Sahaayinada ayaa warbaahinta u sheegay in wiil dhaliyaro qiiraysan uu minddi ku boobay isku imaatin ay ku sugnaayeen dadka yahuudda, dadka gaalada ah ee dhaawacmay qaarkood ayay dhaawacyadoodu culusyihiin.
“camaliyaatka isku xiran ee dhalinyarada kaligood duulayaasha ah fulinayaan ee ka dhanka ah ciidanka Sahaayinadda gummeystayaasha ah waa jawaab celin ka dhan ah falal dambiyeedyada cadowga marna ma istaagi doonaan howlgallada iska caabinta ah ee gummeystaha ka dhanka ah”ayaa lagu yiri war kasoo baxay xoogagga Muqaawamada.
Kumaaan katirsan ciidamada Yahuudda ayaa lagusoo daadiyay gudaha magaalada Qudus kadib markii ay dhacday camaliyaddii toorriyeynta.
Isbuucii lasoo dhaafay howlgal fariid ah oo kaligood duulayaal falasdiiniyiin ah ka fuliyeen magaalada Qudus ayay ku dileen inkabadan 6 qof Yahuud gummeystayaal ah.