Wararka ka imanaya magaallo dhacda gobolka Tigree ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya, in kooxo hubaysani ay dileen tiro dad ah, iyada oo sidoo kalena dableydaasi ay gubeen in ka badan 40 goobood oo ahaa meherado ganacsi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay, in tirada dadka la khaarajiyey ay gaarayaan illaa saddex qof, kuwaas oo labo kamid ah lagu dhex toogtay xarun ganacsi oo ay ku sugnaayeen, halka qofka saddexaad uu ku naf waayay dabka la qabad siiyay goobaha ganacsiga.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay, in dablayda weerar gaysatay ay ka tirsanaayeen kooxda TPLF, kuwaas oo lagu arkay gudaha magaalada. Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in maleeshiyaad kaas ay ka tirsanaayeen ciidamada federaalka ee Ithoobiya.
Geesta kale iyo gobolka Oromada waxaa isna ka dhacay weerar geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay fuliyeen dabley aan la aqoonsan, waxaanay deggaan lagu magacaabo Arsi ku dileen labo qof halka wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 14 sano jir-na ay dhaawaceen.
Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa Oday waayeel ah oo da’diisa lagu sheegay 65 jir, iyo haweenay haysatay caruur, taas oo sidoo kalena dhashay wiilka la dhaawacay, kaas oo laga deyriyey xaaladdiisa caafimaad.
Xubno u hadlay dadka deggaanka Arsi, ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladdan, waxaanay sheegeen in ay wajahayaan xaalad halis ah oo mararka qaar sababta dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac xooggan. Waxaana inta badan falalkan lala xiriiriyaa maleeshiyaad ka hawl-gala deggaannadaasi.
Guud ahaan qolqolatooyinka ka aloosan gudaha Itoobiya ayaa kasii daraaya marba marka ka dambaysay, waxaanay dawladda Xabashida Itoobiya dhex-muquuranaysaa dagaallo iyo xasarado kaga furan jihooyin badan, iyadoo ciidamadeedana aad loogu wiiqay dagaallo ba’an oo muddooyinkan dambe ka socday gobolka Amxaarada.