Imaarada Islaamiga ah ee Afganistan ayaa maanta si adag ugu jawaabtay madaxweynaha dawladda Saliibiyada ah ee Maraykanka Gaal Donald Trump, kaas oo ka codsaday dawladda Afganistan in lagu wareejiyo Saldhigga Bagram oo ciidamada Maraykanku ay deggenaan jireen ka hor intii aan lagu jabin dagaalkii uu la galay Mujaahidiinta Daalibaan.
Afhayeenka Imaarada Islaamiga ah ee Afganistan Dabiixullah Mujaahid ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuu ku caddeeyey in marnaba aan la aqbali karin oo aanay suuro-gal ahayn waxyaabaha uu ku hadaaqayo Gaal Donald Trump, isla markaana Imaarada Islaamiga ee Afganistan ay u taagan tahay ilaalinta xuquuqda iyo madaxbannaanida dadkooda, diintooda iyo dalkooda.
Waxa uu afhayeenku qoraalkiisan ku yiri “Waxaa xusid mudan in Heshiiskii Dooxa uu si cad u qeexayay ballanqaadka Mareykanka ee ah “inaysan isticmaali doonin xoog ama hanjabaad ka dhan ah midnimada dhuleed ee Afgaanistaan iyo madaxbannaanideeda siyaasadeed, ayna faragelin doonin arrimaheeda gudaha,” sidaa darteed waxaa waajib ku ah inay si buuxda ugu hoggaansamaan ballanqaadyadaas.”
Dabiixullaah Mujaahid, waxa uu Maraykanka ugu baaqay inuu ka waantoobo tijaabooyinkii uu horeyba ugu fashilmay, isla markaana uu ka baxo riyo-maalmeedka una soo laabto xaqiiqada. Raacana jid caqli-gal ah oo ku dhisan xaqiiqada.