Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Riddada Somalia uu barqanimadii maanta qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee magaaladaasi qof shacab ah ugu dilay lacago baad ah.
Wararku waxay sheegayaan in ka hor inta aan la dilin ninka darawalka ah uu askariga waydiistay in la siiyo lacag baad ah, ilo wareedyo ayaa soo sheegay in cadadka lacageed ee loo dilay qofka shacabka ah uu gaarayo hal dollar oo kaliya.
Ilo wareedyadu waxay intaas ku dareen in muran kaddib uu askarigan oo si gaara uga tirsanaa maleeshiyada loogu yeero Boolis Milataaro ee uu murtad Xassan Gurguurte ku wareejiyay ammaanka Muqdisho uu si bareer ah ugu dilay darawalkaasi bar Control oo uu ku sugnaa.
Wadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Carab Cali, wuxuuna ka mid ahaa gaadiidleyda isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo gobollada dhexe ee waddanka, wuxuuna ku shaqaysan jiray baabuur nooca dadweynaha ee ay Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi.
Dilka kaddib askariga murtadka ah ayaa goobta si nabad ah uga dhaqaaqay sida ay ilo wareedyadu, maleeshiyada Ridada ee mooryaanta ah ayaa lacago baad ah oo weliba aad u yar nafta u dhaafiya gaadiidleyda iyo dadka kale ee rayidka ah ee ku dhaqan magaalooyinka ay ka joogaan waddanka.