Bulshadda Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu diirsatay khudabdii uu dhawaan jeediyey afhyeenka Xarkada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, taas oo uu kaga hadlay dhul-boobka baaxadda leh ee Kooxda hororka ah ee Murtad Gurguurte ay ka wadaan magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Tan iyo maalintii khudbaddaasi la baahiyey waxaa qabsatay baraha lagu wada xiriiro ee Internet-ka kalimadda Sheekha, taas oo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn usoo dhaweeyeen, isla markaana ay kusii faafiyeen qaybaha kala duwan ee baraha bulshadda, gaar ahaan qaybta ka hadlaysa dhul-boobka, oo dad ka badan 2 milyan oo ruux ay ka daawadeen Facebook, Tiktok iyo Twitter. Waxaanay tallaabadani cabsi xooggan ku abuurtay guud ahaan Kooxda Riddada Soomaaliya.
Murtad Maxamed Cali Cumar oo ku magac-dheer [Caana-nuug], xubinna ka ah golaha dawaaqiidda ee baarlamaanka Kooxda Villa Soomaaliya, oo sheegay inuu dhagaystay Kalimadda Sheekha ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay la jiraan taageero buuxdana u hayaan Mujaahidiinta Al-Shabaab, arrintaasi oo werwer iyo walaac xooggan uu ka muujiyey.
Dulmiga iyo dhul-boobka xarkaha goostay ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisu ay ka wadaan magaalda Muqdisho ayuu sidoo kale murtadkani ka sanqariyey in aan lagu sii jiri doonin, balse la arki doono Shacabka Banaadir iyo Mujaahidiinta Al-Shabaab oo is-garabsanaya oo si wada-jir ah ula dagaallamaya, kana dhiidhiyey dulmigaasi.
Maalmo ka hor ayay markii Afhayeenka Mujaahidiinta, Sheekh Cali Maxamuud Raage, isagoo ka hadlaya munaasibad ay ku qalin-jabiyeen cutubyo ka tirsan geesiyada tawxiidka, uu wacad ku maray in mujaahidiintu aanay marnaba cafin doonin cidkasta oo ku lug-yeelata dulmigaasi, isla markaana qofkasta oo la dulmiyey uu ku ciil-bixi doono maxkamadda Shareecada Islaamka.