Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Shaqaalaha Duulista Hawada Kenya Oo Shaqo-joojin Ku Dhawaaqay.
  • Allposts
  • Warar

Shaqaalaha Duulista Hawada Kenya Oo Shaqo-joojin Ku Dhawaaqay.

September 24, 2025

Ururka Shaqaalaha Duulista Hawada ee Kenya (KAWU) ayaa Talaadadii shalay soo saaray ogeysiis socon doona muddo todobo maalmood ah oo ku saabsan shaqo-joojin ay samayn doonaan, kadib khilaafyo hareeyey shaqada iyo saameyn ka dhalatay heshiisyo la joojiyay.

Tallaabadan shaqo-joojinta ah ee la qorsheeyay waxay carqaladayn kartaa haddii ay dhaqan-gasho hawlaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ugu weyn Kenya, oo ah mid ka mid ah xarumaha duulimaadyada ugu mashquulka badan qaaradda Afrika.

Moses Ndiema, oo ah Xoghayaha Guud ee KAWU, ayaa diiday inuu cayimo goorta ay shaqo-joojintu bilaaban doonto, isagoo sheegay inay bilaaban karto wakhti kasta kaddib marka uu dhammaado muddada ogeysiiska.

Hay’adda Garoomada Diyaaradaha ee Kenya (KAA) oo xiriir ay la samaysay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo cabashada iyo digniinta shaqa-joojinta ah ee ay soo saareen Ururka Shaqaalaha Duulista Hawada ee Kenya.

Shaqaalaha Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ayaa sannad ka hor sameeyay shaqo-joojin maalin socotay, taasoo ka dhalatay walaac laga qabay qorshe lagu doonayay in garoonka looga kireeyo Adani Group, oo ah shirkad Hindi ah oo uu hoggaamiyo Gautam Adani oo ka mid ka ah maal-qabeennada ugu hantida badan qaaradda Aasiya.

Kenya ayaa ugu dambayntii baabi’isay heshiiska lasoo jeediyay kaddib markii Mareykanku uu ku eedeeyay Adani iyo toddobo kale inay laaluush dhan qiyaastii $265 milyan siiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Hindiya, eedeymahaas oo ay Adani Group beenisay.

Xoghayaha Guud ee KAWU, Moses Ndiema, ayaa warqad ku taariikhaysan Sebteembar 23 oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu ku eedeeyay guddiga KAA karti-darro iyo inay ku guuldareysteen inay u dhaqmaan si waafaqsan danaha Kenya.

“Tusaalaha ugu weyn ee karti-darrada guddiga iyo sida aysan xaqiiqada ula socon waa dhacdooyinkii dhowaa ee la xiriiray heshiiska Adani iyo go’aammada kale,” ayuu yiri Ndiema, isagoon cayimin muddada ay shaqo-joojintu socon doonto.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-04-1447-Hijri.
Next: Dhagayso Aaska Nabaddoonkii Guud Ee Beesha Xawaadle Naqiib Xaaji Cabdiraxmaan Xiirey.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 18-Ramadaan-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 18-Ramadaan-1447-Hijri.

March 6, 2026
Duullaankii Badar Maalinkii Uu Alle Kala Saaray Xaqqa Iyo Baadilka [Warbixin].
  • Allposts
  • Warar

Duullaankii Badar Maalinkii Uu Alle Kala Saaray Xaqqa Iyo Baadilka [Warbixin].

March 6, 2026
Halkan Ka Dhagayso Xalqada Saddexaad Barnaamijka Ramadaanka Iyo Jihaadka.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Xalqada Saddexaad Barnaamijka Ramadaanka Iyo Jihaadka.

March 6, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada