Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyo ka tirsan murtadiinta.
Qaraxa oo ahaa mid culus jugtiisana laga maqlay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee Sh/hoose, ayaa Allaah fadligii sidii loogu talagalay u beegsaday maleeshiyada murtadiinta ah, waxanaa halkaas khasaare kala duwan kasoo gaaray maleeshiyada Riddada.
Inta la hubiyay waxaa qaraxan barakaysan ku dhaawacmay ilaa shan askari oo murtadiin ah, howlgalkan qaraxa ah ayaa ku biiraya silsilado howlgallo ah oo maalmihii u dambeeyay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen wilaayaadka dhaca koonfurta Somalia, kuwaas oo dhegta dhiigga loogu daray askar iyo saraakiil murtadiin ah.