Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay khasaaraha ka dhashay dagaallo culus oo lagu hoobtay oo usbuucan lasoo dhaafay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadak Fano ku dhex-maray deggaanno dhaca gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.
Dagaalladan oo kuwooda ugu culus ay muddo labo cisho oo xiriir ah ka socdeen deggaan lagu magacaabo Beklo Manekia ayaa sii kordhiyey khasaaraha. Waxaanay wararkii ugu dambeeyey ee laga helay dagaalkaasi ay tibaaxayaan in ay ku bakhtiyeen ugu yaraan 470 askri oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya, sida ay sheegatay jabhadda Fano.
Sidoo kale Jabhaddu waxay shaacisay in dagaalkaasi ay guullo waaweyn ka gaartay isla markaana ay gacanta ku dhigtay maxaabiis kale oo tiradoodu gaaray 175 askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya, kuwaas oo sida ay Fano sheegtay qaarkood la qabtay iyaga oo dhaawacan. Waxa kale oo dagaalkaasi ay kula wareegtay gaadiid dagaal iyo saanad millateri oo aad u fara badan.
Kooxda Mucaaradka ee Fano waxay ay horeyba ugu dhawaaqeen intii uu dagaalkani socday in ay dhegta dhiigga u dareen madaxii maamulka degmad Beklo Manekia oo lagu magacaabi jiray Ayalew Delele iyo Saaxiibbadiis, inkastoo tiradooda aan la shaacin, isla markaana maxaabiista ay nolosha ku qabteen uu ku jiro taliye aan la xusin magaciisa balse darajadiisa lagu sheegay Kornayl, sida uu daabacay Wargeyska Borkena.
Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo tilmaamaya in maleeshiyaadka Fano ay u ruqaansadeen dhinaca magaalada Woldiya oo ay doonayaan in ay la wareegaan. Waxaanay ilo-wareedyo la helay ay sheegayaan in mas’uuliyiinta xisbiga talada haya ee Woldiya ay ka baxeen magaalada.
Dagaallo lagu laayay boqollaal ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa isla bilawga todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay deggaannadaasi, waxaanay qolqolatooyinkani ay kusoo aadayaan xilli la filayo in dagaallo hor leh ay ka qarxaan dhinaca waqooyiga Itoobiya, sidoo kalena maamullada Addis Ababa iyo Asmara ay qarka u saaran yihiin in mar kale ay foodda is-daraan.