Degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay is rasaaseyn u dhaxaysay maleeshiyada murtadiinta ah, taasi oo ka dhacday bartamaha magaalada.
Ilo wareedyo ayaa soo wariyay in isku dhaca uu dhexmaray laba askari oo ka wada tirsan maleeshiyada murtadiinta, kuwaas oo aan si rasmi ah loo ogayn waxay isku qabteen.
Wararka qaar waxay sheegeen in muran uu dhexmaray labada askari, taasi oo keentay inay bartamaha maagaalada rassaas iskula dhacaan oo ku dhex dagaallamaan dadka rayidka ah, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawacyo ah sida lasoo wariyay.
Ilaa saddex qof oo shacab ah ayay wararka qaar sheegayaan inay dhaawacyo ku noqdeen is rassaaseynta u dhaxaysay labadan askari ee murtadiinta ah, halka mid ka mid ah maleeshiyada dagaallamay na uu dhankiisa dhaawac soo gaaray.
Isku dhacyada u dhaxeeya maleeshiyada murtadiinta waa mid si joogta ah u dhaca, waxayna inta badan isku qabtaan lacagaha baadda ah ee ay dadka ka dhacaan iyo maandooriyaha oo ay aad isugu dilaan.