Safaaradda dowladda Maraykanka ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in howlihii shaqo ee safaaradda la joojiyay, kaddib markii uu soo shaac baxay is mari-waa dhanka miisaaniyadda ah oo soo kala dhexgalay Koongareeska iyo aqalka cad.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta rasmiga ee Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ku leedahay X ama Twitter, ayaa lagu sheegay in si buuxda loo hakiyay howlaha shaqo ee safaaradda.
“Sababo la xiriira joojinta miisaaniyadeed, akoonkan X lama cusbooneysiin doono si joogto ah ilaa howlgalada buuxa ay dib u bilaabmaan, marka laga reebo macluumaadka degdegga ah ee la xiriira amniga iyo badbaadada.” Ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.
Waxay tani ka dhigan tahay in Maraykanku hakiyay dhamaan adeegyadii ay bixin jirtay safaaradda, kaliyana howlaheeda lagu soo koobay la talinta amni ee muwaadinteeda.
Tallaabadan shaqo joojinta ah ee ay ku dhawaaqday safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa imaanaysa xilli xukuumadda fadhigeedu yahay Washinton ay gashay xaalad xirnaan dowladeed ah, markii Aqalka cad iyo Congress-ka Maraykanka ay ku guuldarreysteen inay ku heshiiyaan miisaaniyadda dowladda.
Arrintan ayaa sidoo kale saameysay howlaha dowladda dhexe ee Maraykanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda, safaarado Maraykanku ku leeyahay Africa, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay hakinta howlahooda, gaar ahaan Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo shaaciyay inay qayb ahaan u joojiyeen howlihii shaqo ee safaaradahooda.