Kooxda Riddada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada muqdisho ayaa markale qaadday tallaab gaf ku ah diinka iyo dhaqanka shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah.
Xamza Cabdi Barre oo ku magacaaban R/wasaarahada kooxda Riddada ayaa goleyaasha baarlamaanka daaquudka ah ugudbiyay xeer gaaleed halis ah, kaasi oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya in ay gaaloobaan.
Sida ay wararku sheegayaan labada aqal ee baaralamaanka riddada ayaa loo gudbiyay xeerkan waxaana durbaba lamarsiiyay golaha dawaaqiidda oo ay gacanta ku hayso madaxtooyada xasan gurguurte ,Saadaam Maxamuud Cabdi oo katirsan dawaaqiidda ayaa warbaahinta u sheegay in kulan maanta dhacay uu buuq ku dhammaaday balse uu Aadan Madoobe sidii caadada aheyd ku dhawaaqay in xeerkaas lameel mariyay uuna yahay ansax
Wuxuu sheegay in xeerkan uu dhigayo in ubadka soomaalida marka uu kujiro marxaladda carruurnimada labari karo diinta uu doono taas oo ka dhigan in laleeyahay carruurtu ha gaaloobaano oo halagu barbaariyo diin aan aheyn midda islaamka.
Xeerkan ayaa si cad ugu baaqaya in shacabka soomaaliyeed ay ka bixi karaan diinta islaamka oo ay qaadan karaan diin aan islaam aheyn, xildhibaan Saadaam Maxamuud Cabdi ayaa ku eedeeyay xukuumadda Xamza Cabdi Barre in ay uxuub siibatay baadiyaynta bulshada ayna isku darsatay diin xumo iyo boobka hantida shacabka.
Golayaasha dawaaqiidda kooxda riddada ayaa caan ku ah soo saaridda hindise gaaleedyo duminaya diinta islaamka iyo qiyamka shacabka soomaaliyeed waana golayaal ku dhaqma dastuur gaaleed baal marsan shareecada islaamka.