Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Awdheegle, kaasi oo lagu beegsaday ciidamo ka kooban saliibiyiin Yugaandhees ah iyo maleeshiyo murtadiin ah.
Howlgalka qaraxa ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana Allaah fadligiis inta la hubiyay ku dhintay 5 askari oo kuffaarta Afrikaanta ka tirsanaa, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 7 kale oo kuffaarta ah iyo hal askari oo murtad ah oo isagana la xaqiijiyay in uu dhaawacan yahay.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Gedo saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee Baraxow ee magaalada Baardheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Baay, waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay weerar agaasiman ku mireen xerada ciidamada kuffaarta Xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee dagaalka la isku adeegsanayay ayaa laga maqlayay xaafadaha degmada Diinsoor.