Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen xisbiyada siyaasadda ee ka dhisan deegaannada uu ka arrimiyo maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntalnd ayay ku diideen heshiis dhowaan ay kala saxiixdeen Puntand iyo Somaliland.
Heshiiskan oo isugu jira mid amni iyo mid siyaasadeed ayay xubno ka kala socda labadan maamul ku kala saxiixdeen kulan u dhaxeeyay oo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya.
Xisbiyada siyaasadda ee mucaaradka ku ah maamulka uu hoggaamiyo Siciid Deni waxay si cad u sheegeen in heshiiskaasi uu yahay mid aan dan u ahayn maamulkooda, sidaas darteena ay qaadacayaan.
“Waxay xisbiyada siyaasadda Puntland, si adag u qaadacayaan heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Puntland iyo Somaliland “, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xisbiyada mucaaradsan Deni.
“Heshiiskaasi ma ahan mid ilaalinaya danaha Puntland, mana ahan mid waafaqsan dastuurka Puntland, heshiiskaasi waxa kaliya uu u adeegayay fikirka kala goynta dalka, wuxuuna ka hor imaanaya midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed” ayaa lasii raaciyay.
Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii kulamo heer wasiir oo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya oo dhexmaray maamullada ashahaada la dirirka ah ee Puntland iyo Somaliland lagu shaaciyay in labada maamul falanqeeyay isbedellada ka jira geeska qaaradda Afrika ayna isla garteen heshiis ubadan iskaashi amni iyo mid siyaasadeed.