Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xalay ka dhacay kulamo kala duwan oo ay soo qaban-qaabiyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ka mid yihiin madaxii hore ee kooxda Riddada murtad Shariif Sheekh Axmed iyo murtad Xasan Cali Khayre oo ra’iisul wasaare usoo noqday nidaamkii Farmaajo.
Kulamadu waxay ahaayeen kuwa lagu qabtay goobo ay ku kala suganyihiin labadan masuul ee horay usoo qabtay xilka xukuumadda Riddada, waxaana lagu muddeeyay isku soo baxyo ballaaran oo ka dhan ah dhulboobka uu Muqdisho ka wado murtad Xassan Gurguurte.
Murtad Xassan Cali Khayre, Ra’iisul wasaarihii hore ee kooxda Riddada, ayaa mid ka mid ah kulamadaasi kaga dhawaaqay in dibadbaxyada mucaaradka riixayaan ay dhici doonaan maalinta Khamiista ah ee soo socota.
Madaxii hore ee kooxda Riddada, Shariif murtad ayaa dhankiisa mar uu ka hadlayay mid ka mid ah kulamadii habeenkii xalay ka dhacay Muqdisho ee lagu abaabulayay isku soo baxyada Khamiista dhici doona, si adag uga hadlay hub ka dhigista ay ku dhawaaqday kooxda Riddada Gurguurte.
Wuxuu difaacay sababta hubka u wataan siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo tusaale usoo qaatay iska hor’imaadkii dhowaan ka dhacay saldhigga degmada Wardhiigley, inaysan hubka dhigi doonin ayuuna sheegay.
Masuuliyiin iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah ayaa kulamadii xalay dhacay ka sheegay inay dibadbaxyadu dhici doonaan, kagana soo horjeedaan dhul boobka xarkaha goostay ee caasimadda Muqdisho ka wadaan Gurguurte iyo kooxdiisa.