Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Jubbada hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah ka fuliyeen deegaanka Diif ee dhaca wilaayadaasi, waxaana qaraxa uu si gaar ah u beegsaday masuul ka tirsan maamulka Riddada Axmed Madoobe.
Howlgalka qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis sidii loogu talagalay u dhacay, waxaana lagu dilay Yuusuf Jabad Iidle oo ahaa madaxa canshuuraha maamulka Riddada Jubbaland ugu magaacan deegaanka Diif ee hoostga Dhoobley oo ka tirsan Jubbada hoose.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee howlgalka qaraxa ah ka fuliyay deegaanka Diif waxay sidoo kale qaniimeysteen qori uu watay murtadka sarkaalka ah ee qaraxa lala beegsaday, waana mid ka mid ah howlgallada qorsheysan ee ay mujaahidiintu ku beegsanayaan saraakiisha iyo maleeshiyada murtadiinta.
Si aad u hesho wararkeenna kusoo biir barta Telegram Ee Bogga Calamada oo Halkan Guji.