Xili isbihaysiga ciidamada kufaarta Afrikaanta ee dullaanka ku jooga Soomaaliya ay wajahayaan dhaqaale baahsan ayeey dowlada kaafiradda ah ee Maraykanka oo ah maalgaliyaha ugu weyn ee saliibiyiintaasi ka caga jiidaysa in ay bixiso qarashaatka ay ku howlgalaan.
Wakiilka Kumeelgaarka ee Maraykanka ee Qaramada Midoobay John Kelley oo hadlayay ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dowladaha kale iyagu dhaqaalahooda ku bixin lahaayeen isaga oo yiri
“hadda waa waqtigii dalalka kale ee daneeya amniga iyo mustaqbalka Soomaaliya ay kordhin lahaayeen kaalmooyinkooda dhaqaale,”
Xukumada saliiiyada ah ee Washngiton ayaa doonaysa in lacagaha ku baxaya ciidamada kufaarta Afrikaanta markaan laga bixiyo qasnada Qaramada Midoobe iyo tan mideoga Afrika, uruuradaas oo ka caga jiidaya taasi oo keentay in azmo dhaqaale la’aan ah uu wajaho dullaanka salibiga ah ee Soomaaliya.
Tan iyo markii xukunka uu yimid Doland Trump, Maraykanka ayaa hoos udhigayay xiriirka kala dhaxeeya Koxoda Ridada, iyadoo hoos loo dhigay maqaamka safaaradiisa Mogdisho, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in maamulka Trmp uu doonayo in uu albaabada isugu dhufto.
Hogaamiyaha Aqalka Cad ayaa todobaad kahor ka hadlayay shir ay isugu yimaadeen janaraalada ciidamada Maraykanka ee ku kala sugan daafaha dunida, ayuu ku sheegay in aysan habooneyn in dhaqaalahooda iyo amigooda uu ku baardaroowe dibadda, isaga oo tusaale usoo qaatay Kenya iyo Soomaaliya.