Murtad Axmed Madoobe oo ah madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa sheegay in kooxda Riddada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo murtad Xassan Gurguurte ay faragelin toos ah ku hayso arrimaha maamulkiisa, gaar ahaan maamulka gobolka Gedo.
Arrintan ayuu ka sheegay xilli uu shalay guddoomiyay fadhi ay lahaayeen golaha wasiirada Riddada ee maamulkaasi, kaas oo ay uga hadleen arrimo ay ka mid tahay ammaanka.
War qoraal kooban oo lagu daabacay xafiiska Axmed Madoobe ayaa looga digay faragelin ay sheegeen inay kooxda Riddadu ka wado deegaannada gobolka Gedo, taasi oo ay sheegeen inay keeni karto isku dhac iyo colaado hor leh.
Nuqul ka mid ah qoraalka lagu faafiyay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu yiri” Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay faragelinta sharci-darrada ah ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan”.
Warka kasoo yeeray maamulka Riddada Jubbaland ayaa kusoo beegmaya, xilli dhowaan ay fashil kusoo dhamaadeen kulamo ka dhacay Kismaayo oo ay garwadeen ka ahaayeen taliyeyaasha sirdoonnada Kenya iyo Itoobiya oo ay doonayeen inay isugu soo dhaweeyaan Qowsaaradooda Gurguurte iyo Madoobe.
Waxay sidoo kale tani kusoo beegmaysaa xilli ay xoogeysanayso hadal haynta ku saabsan in kooxda Riddada ay maamul cusub ka dhisto gobolka Gedo, halkaas oo ay horay uga dhaceen dagaallo uu dhiig ku daatay oo dhexmaray labada dhinac.