Wararka ka imanaya gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Amxaarada ayaa sheegaya dagaallo lagu hoobtay oo mar kale ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Fano ku dhex-maray deggaanno dhaca waqooyiga Wollo.
In ka badan 130 askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallo culus oo Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Habru oo u dhow magaalo-madaxda gobolkaasi ee Woldia.
Bayaan kasoo baxay maleeshiyaadka Fano ayaa lagu sheegay in dhegta dhigga loo daray ugu yaraan 86 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, halka in ka badan 45 askari oo kalena lagu dhaawacay dagaalladaasi oo si gaar ah uga dhacay deggaannada Habru Ligo iyo Wilaguba.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Fano ay dhowr furimood ku jabiyeen ciidanka Xabashida Itoobiya, isla markaana ay kala wareegeen dhul istaraatiijiya, oo sida ay xogtu tibaaxayso millateri ahaan ku fadhiya muhiimad gaar ah.
Dhanka Waqooyi-galbeedna, maleeshiyaadka Fano ayaa sidoo kale weerarro ka fuliyay degmada Methema ee galbeedka gobolka Gondar, halkaas oo ay sheegeen in guullo waaweyn oo millateri ay ka gaareen, inkasta oo aysan faahfaahin tirada khasaaraha.
Si kastaba ha ahaatee, Fano waxay ku eedaysay dowladda inay madaafiic ku garaacday dugsi, kaddib markii looga adkaaday ayay yiraahdeen dagaalladaasi. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen ciidamada dowladda inay dileen 12 qof oo rayid ah oo ku sugnaa degmada Alfa Takusa ee aagga dhexe ee Gondar.