Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa tilmaamaya in madaxa maamulka ridada ee Koonfur galbeed murtad Laftagareen uu amray in la celiyo diyaarad xamar kasoo qaadi lahayd siyaasiyiin mucaarad ku ah Laftagareen.
Siyaasiyiinta laga hor istaagay inay yimaadaan Baydhabo ayaa waxaa kamid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal, iyo xubno kale oo Mucaarad ah.
Xubnahaan ayaa dhawaan kulan ay la qaateen Xasan Gurguurte waxay kaga dalbadeen inuu laftagareen ogalaado inay tagaan magaalada Baydhabo, taasoo la sheegay murtad Cabdi Casiis Laftagareen uu ka biya diiday.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xubnahaan markii ay tagaan magaalada Baydhabo ay u qorsheeysneed in halkaasi ku qabtaan kulamo ka dhan maamulka Laftagareen.
Xubnaha mucaaradka Koonfur galbeed oo doonayey xilka madaxtinimada maamulkaasi ayaa ku cadaadinaya Xasan Gurguurte inuu laftagareen ku amro inuu qabto doorasho ay xubnahaa ka qeybqaadan karaan, taasoo la sheegay inuu murtad Laftagareen diidan yahay.
Arrintaan ayaa la sheegayaa inuu khilaaf cusub ka dhexdhaliyey Xasan Gurguurte iyo madaxa maamulka ridada ee Koonfur galbeed oo hadda u muuqda inuu kasii baxaya garabka Xasan Gurguurte.