Kooxda Riddada Soomaaliye ee hor-joogaha uu ka yahay Murtad Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii laba-jibbaartay xarigga, boobka iyo barakicinta ay ku hayaan shacabka masaakiinta ah ee dhaqan caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Ilaa saddex haween oo ka mid ahaa dadkii laga barakiciyey xaafadda Siinaay ayaa xalay ilaa maanta askar ka tirsan maleeshiyaadka Riddadu ay ugu daateen goobihii ay u qaxeen, iyagoo u taxaabay xabsiga, gaar ahaan Saldhigga degmada Wardhiigley.
Mid ka mdi ah xarigga hooyooyinkan oo xarigeeda si weyn loo cambaareeyey, ayaa dadka ka hadlay waxaa ka mida Shariif-murtad oo xaqiijiyey in maleeshiyaadka Gurguurte ay kala baxeen goobtii ay qaxoontiga ku ahayd. Isagoo falkaasina ku tilmaamay afduub ay ka dambeeyaan hor-joogayaasha kooxda Villa Somaliya.
Qoraal kooban oo murtadkani uu xalay soo dhigay bartiisa Facebook ayuu si weyn ugu cambaareeyey dhacdadanm, waxaanu xusay in marba marka ka dambaysay uu sii kordhaayo xarigga iyo tacaddiyada joogtada ah ee kooxda Riddadu ay ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Shariif-murtad oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Falkaan foosha xun wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay ciidanka Booliska sii wadaan barakicinta bulshada caasimadda gaar ahaan qoysaska ku nool xaafada Tarabuunka ee Degmada Hodan kuwaas oo la iskugu daray xarig iyo jirdil.”
R/Wasaarihii hore ee kooxd Villa Somaliya Murtad Xasan Cali Khayre oo isna ka hadlay dhacdadan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xabsiga loo taxaabo hooyadaasi oo uu ka markhaati-kacay in kooxda Riddadu ay horey uga barakiciyeen xaafadda Siinaay.
Murtad Xasan Cali Khayre waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in hooyadan la qafaashay, ay sidoo kale gaboodfallo hore kala kulantay Murtad Gurguurte iyo kooxdiisa kadib markii ay ku qasbeen in qubuuraha Afisyooni ay ka saarto meydkii hooyadeed oo halkaasi ku duugnaa.
Hooyooyinkan laga qafaashay guryahooda ayaa ka mid ahaa dad shacab ah oo shalay si adag uga hadlay boobka iyo barakicinta ay kooxda Riddadu ka waddo magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Siinaay, waxaanay ku baaqeen in la iska dhiciyo dulmigaasi, lagana dhiidhiyo dhul-boobka xarkaha goostay ee Xasan Gurguurte iyo kooxdiisu ay ka wadaan magaalada Muqdisho.