Xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya murtadiinta ayay kooxda riddada soomaaliya soo saartay digniino iyo amarro ka dhan ah kooxaha mucaaradka ah ee isku magacaabay golaha samatabixinta.
Cumar Cabdi Cali oo ah wasiiru dowllaha wasaaradda gaashaandhigga ayaa shir jaraa’id ku sheegay in awood melleteri u adeegsan doonaan cid walba oo gaadiid dagaal iyo ciidamo ku dhaxwada magaalada muqdisho wuxuuna ku goodiyay in ay dagaal lageli doonaan ciddii xabad kusoo ridda maleeshiyaadkooda.
Kooxda riddada ayaa qirtay in ay fulinayso amarkii isbuucii hore kasoo baxay ee dhigayay in hub ka dhigis lagu sameeyo dhammaan saraakiisha maleeshiyaadka ee daacadda u ah siyaasiyiinta mucaaradkka ah.
Arrinta ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan hubka dhigis lagu sameeyay ugu yaraan 2 sarkaal oo maleeshiyaad ku heystay muqdisho lana rumeysnaa in ay ujanjeeraan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee isku diyaarinaya in kooxda riddada ay lagalaan loollan haddii murtad xasan gurguurte ku adkeysto ajandayaashiisa doorasho ku sheegga ah.