Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 43 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Tareen Oo Ka Dhacay Shiniile.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 43 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Tareen Oo Ka Dhacay Shiniile.

October 21, 2025

Khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed, ayaa ka dhashay shil tareen, kaasi oo saacadihii lasoo dhaafay ku rogmaday gudaha magaalada Shiniile ee xarunta gobolka Siti ee dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida.

Shilkan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay goob tareenka laga raaco oo ku taal magaalada Shiniile sida ay soo wariyeen dad goobjoogeyaal ah, si rasmi ah looma shaacin sababta keentay shilka, balse goobjoogeyaal ayaa sheegay in tareenku ahaa mid duug ah oo sannado badan lagu shaqeynayay.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo sheegay in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo isugu jira shaqaale iyo dad rakaab ah oo Soomaali u badan, halka sidoo kalena ku dhaawacmeen 29 kale, wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawacyadu intaa ka badanyihiin.

Tareenka ayaa shilka galay abbaare 8:00 fiidnimo ee xalay, wuxuuna siday dad rakaab ah iyo badeeco kala duwan, burbur xoog leh ayaana soo gaaray sida laga dheehan karo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada.

Tareenka shilka galay ayaa kasoo baxay magaalada Dawan ee kutaal xuduud beenaadka u dhaxeeya Soomaali galbeed iyo Jabuuti, wuxuuna kusii jeeday dhanka magaalada Diridhabe, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Dhulka Soomaali galbeed ee gumeysiga nooga haysato dowladda saliibiyadda xabashida Itoobiya ayaa ka mid ah gobollada ay ka dhacaan shilalka culus ee sababa khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -29-04-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -29-04-1447 Hijri.

Related Stories

Muuse Biixi Oo Qiray In Maamulka Cabdiraxmaan Cirro Uu Wajahayo Marxalad Halis Ah.
  • Allposts
  • Warar

Muuse Biixi Oo Qiray In Maamulka Cabdiraxmaan Cirro Uu Wajahayo Marxalad Halis Ah.

December 17, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-06-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-06-1447-Hijri.

December 17, 2025
Mucaaradka Oo Saacadaha Soo Socda Shir Ka Dhan Ah Gurguurte Ku Yeelanaya Kismaayo.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Oo Saacadaha Soo Socda Shir Ka Dhan Ah Gurguurte Ku Yeelanaya Kismaayo.

December 17, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada (Gumaysi Diid) . (Gabayga 42 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada (Gumaysi Diid) . (Gabayga 42 aad)

December 3, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)

November 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)

November 17, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)

November 10, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada