Kaddib go’aankii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku xiray hay’adda USAID ayay saameyn xooggan ku yeelatay dowlado badan oo Afrikaan ah oo sannadkasta maalgalin ka hel jiray hay’addaasi.
Kooxda Riddada Soomaaliya oo ku tiirsanayd tabantaabada iyo taakulada ka timaadda dowladaha reer galbeedka ayaa ka mid ah dhinacyada uu saameynta ugu xooggani ku yeeshay go’aankaasi uu qaatay gaal Trump.
Waxa loogu yeero bangiga horumarinta iyo dib-u-dhiska ee taabacsan nidaamka Riddada Somalia ayaa markii ugu horreeyay qiray in saameyn xooggani ay ku yeelatay xiritaanka hay’adda Maraykanka USAID.
Madaxa bankigaasi oo ka qeybgalayay shir loga hadlayay arimha dhaqaalaha oo ka dhacay magaallada London ee caasimadda Ingiriiska ayaa sheegtay in dhaqaalaha Riddada uu hoos u dhac xooggan ku yimid islamarkaana xitaa saameyn ku yeelatay nidaamkooda canshuur qaadista.
Kooxda Riddada ayaa dalbatay in lala soo gaaro kaalmo iyada oo markale bannaanka soo dhigtay in aysan ka maarmin deeqaha uga yimaada dowladaha shisheeye, dhanka kalane ay hoos u dhacday rajadii ay gaalladu ka qabeen nidaamkaani.
Tan iyo markii xukunka u yimid Donald Trump ayuu qaaday tallaabooyin uu ku yaraynayo qarashaatka dibadda kaga baxa dowladdiisa, iyadoo dhanka kale wali Maraykanka uu ka meermeerayo in uu bixiyo qarashaatka ku baxaya howlgalka ciidamada kuffaarta Afrikaanta.